Natiijada Doorashadii Soomaaliland oo lafilayo in waqtiyada soo socda lagu dhawaaqo

Date:

Soomaaliland(SONNA) Waxaa laga dhursugaya in lagu dhawaaqo natiijada doorashadii ka dhacday Soomaaliland,iyadoo guddiga doorashooyinka lafilayo in uu ku dhawaaqo natiijada,taasi oo shaacinaysaa madaxweynaha bedeli doona Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo.

Wuxuu sheegay Guddiga Doorashada in Dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gibileey,wuxuuna intaasi ku daray  in Maanta ay shaacin doonaan Musharaxii ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Geesta kale  Xisbiga Wadani ayaa muujinaya markale mucaarado xoogan isagoo xubnihii uag qeybgalayay goobjoognimada doorashadaasi,,wararka ayaa tilmaamaya  in Xisbiga Wadani uu Saluugsan yahay Natiijada ay ka heleen Gobolka ay Soomaliland ula baxday Maroodijeex oo ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaa siweyn loo sugaya ku dhawaaqista natiijada doorashada,Ilaa iyo haatan lama saadaalin karo cidda ku guuleysatay doorashada,balse maalmahan waxaa jirey kacdoon rabshado dhaliyay kadib markii xisbiga wadani uu eedeymou jeediyay duggiga doorashada,iyadoo guddiguna uu iska fogeeyey eedeymahaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...