Wasiirka Maaliyadda oo Maanta horgeyn doona Baarlamaanka Miisaaniyadda 2018-ka

Date:

Muqdisho(SONNA)–Wasiirka Maaliyadda XFS Dr C/Raxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta horgeyn doona Miisaaniyadda Dalka ee sanadka 2018-ka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo ansaxiyo.

Wasiirka oo isu diyaariniya hortegitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa yiri “Waxaa sharaf ii ah in aan Miisaaniyadda 2018-ka aan dhamaystiro diyaarinteeda, taasi oo maanta aan ka hor jeedinayo Baarlamaanka JFS. Waxaan diyaar u nahay in aan Dhakhliga kor u qaadno oo aan si daah furan u shaqeyno”.

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka soo socda ee 2018-ka ayaa hore looga ansixiyay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasoo loogu talagalay inay ku shaqeyso Dowladda, waxaana haatana lagu wadaa in laga ansixiyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...