Madaxweyne Roberta Mogaabe oo ka soo horjeestay baaqa iscasilaadda

Date:

Zimbabwe(SONNA) Waxaa sii kordhaya jahwareerka siyaasadeed ee kataagan dalka Zimbabwe,iyadoo Madaxwayne Robert Mugabe uu wacad ku maray in uu awoodda sii hayn doono dhowr todobaad ,iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo ee ku aadan in xilka uu ka dago.

Madaxweynaha wadanka Zimbabawe Mr Mogabe ayaa Khudbad uu si toos ah uga jeediyay TV-ga qaranka waxaa uu ku sheegay in uu shir guddoomin doono kulanka golaha xisbiga ay yeelanayaan bisha December ee soo socota.

Waxaa xiligaasi hareer fadhiyay Robert Mugabe markii uu khudbadda jeedinayay saraakiisha sarsare ee militariga dalkaasi iyo madax kale.

Shacabka reer Zimbabawe ayaa siweyn u sugayay in Khudbadda madaxwayne Mugabe ay noqoto mid uu kaga dhawaaqo iscasilaadiisa,balse uu madaxweyne Mogaabe ayaa ku adkaysatay in uusan marna xilka ka degi doonain.

Hadalka Madaxweyne Mogaabe ayaa ku soo beegmaya xili Xubnaha xisbiga Zanu-PF ay ka cayriyeen Mugabe xilka hoggaamiyaha xisbigaasi oo Madaxwayne Mugabe u qabteen in muddo 24 saac gudahood ah uu isku casilo haddii kale ay xil ka qaadis ku samayn doonaan.

Waxaa la sugayaa go’aanka uu qaadan doono baarlamaanka Dalka ZImbabawe kuwaasi oo ku hanjabay in hadii Mr Mogaabe uu xilka wareejin waayo ay xilka ka xayuubin doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya ee Yemen oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen, Cabdixakiin Maxamed Axmed,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has received the letters...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka guddoomay waraaqadaha aqoonsiga...

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixiyay horumarka adeegyada caafimaadka dalka

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali XaajI oo...