Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay+Sawiro

Date:

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay 10 – 15 November 2017.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Madaxweynaha Oo Daah Furay Shir Wareegga Nabadgelyada Muqdisho

10/11/2017- Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, kaasi oo lagu qabtay xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Ujeedada ayaa aheyd sidii shacabka Muqdisho ay mas’uuliyad gaar ah isaga saari lahaayeen amniga caasimada.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir-Guddoomiyey Shirka Amniga Oo Beesha Caalamka Ay Goob Joog Ahaayeen

11/11/2017- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 11kii November guddoomiyey shir looga hadlayey howlgalka ciidamada ee Shabeelooyinka ka socda iyadoo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen.

Shirkan muhiimka u ah amniga ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madiera, Safiirka Midowga Yurub Veronica Lorenzo, Safiirada UK, US, Uganda, Ethiopia, Italy, China, Kenya iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Mudane Xuseen Carab Ciise iyo marti sharaf kale.

Shirkan ayaa lagu go’aamiyey dar-dargelinta howlgalada ciidamada si kooxaha argagaxisada ah looga sifeeyo dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Meelmariyay Hindise Sharciyeedka Biyaha

11/11/2017- Kalfadiga 2-aad kulankiisa 28-aad ee mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ugu horeyn warbixin looga dhageystay guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah kuwaas oo u faahfaahiyey golaha dib u eegista ay ku sameeyeen sharciga Biyaha iyo muhiimada uu u leeyahay dalka.

Dood dheer ka dib, Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay ayaa Xildhibaanada Golaha u jeediyay in ay cod geliyaan Hindise Sharciyeedka biyaha oo ay Xildhibaanada horey uga doodeen waxaana ogolaatay 147, mudane, iyadoo saddex Mudane ay diideen.

Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sidoo kale ka codsaday gudiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee golaha in uu ku lifaaqo warbixintiisa oo uu u gudbiyo Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan waajibkooda.

Boliiska Soomaaliya oo soo bandhigay baaritaanno lagu hayo Dawooyin qaab Daraagis ah loo isticmaalay

12/11/2017- Taliska Ciidammada Boliiska Soomaaliya ayaa soo Bandhiggay baaritaanno ay ku wadaan Daawooyin Si Daraagis ah loo Isticmaalay oo ay cabashooyin ka soo gudbiyeen qaar ka mid ah dadkii sida qaldan loogu gudbiyey, waxaana lagu soo bandhigay xarunta taliska Boliiska Soomaaliya. Cabashooyinkan ayaa waxaa Boliiska u soo gudbiyey Haween dhowr ah oo si qaldan loo siiyey. Xarunta Dembi Baarista iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa wada baaritaano dheeri ah si xal loogu helo cabashooyinka bulshada.

Wasaaradda Warfaafinta oo diyaarineysa Istraatejiyada Qorshaha Wasaarada

13/11/2017- 15/11/2017 Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa muddo 3 cisho ah qaatay tababar ay ku diyaarinayeen Istraatejiyada Qorshaha Wasaarada iyadoo hay’ada UNDP iyo Wasaarada Qorsheynta ay bixinayeen daruusta tababarka. Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa furay shirka 13kii November, halka uu Wasiirka Warfaafinta soo xiray 15kii November 2017.

Wasaarada Warfaafinta ayaa fursad siinaysa shaqaalaha inay iyagu diyaariyaan Istraatejiyada Qorshaha Wasaarada si ay dhaqangelintiisa u sahlanaato.

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqa Iyo Xisaab Xirka Miisaaniyada 2015 Iyo 2016

13/11/2017- Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Mudanayaasha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ay kaga doodeen arrimaha Xisaabxirka Miisaaniyadii Dowladda ee 2015, 2016 iyo Hindise Sharciyeedka ladagaalanka Musuq Maasuqa. Kulankan oo ay yeesheen xildhibaanada waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dood dheer ka dib ayaa Golaha Shacabku ansixiyey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuq Maasuqa oo ahmiyad gaar ah u leh sidii loo dhisi lahaa hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa. Sidoo kale Golaha Shacabka ayaa ansixiyey xisaab xirka Miisaaniyada 2015 iyo 2016.

Ciidamada Xoogga Dalka Oo La Wareegay Deegaano Ku Dhow Magaalada Baraawe.

14/11/2017- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sii balaariyay dagaalada ay kaga sifeynayaan cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al Shabaab deegaanada ay kaga dhuumeeleysanayaan Gobolka Shabeelaha hoose, iyagoo la wareegay deegaano ku dhow degmada Baraawe oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha hogaamineysa dagaalka ka socda Shabeelaha hoose ayaa sheegay in la dardar galiyay dagaalka lagula jiro Argagaxisada Al Shabaab, iyadoo guulo laga gaaray Howlgaladii ugu dambeeyay, waxaana deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka si weyn ugu soo dhaweeyay shacabka ku nool deegaanaadaaasi oo sheegay in Nabad diidka Al Shabaab ay dhibaato ku hayeen.

Wasiirka Warfaafinta oo Hortagay Guddiga Arrimaha Bulshada ee Aqalka Sare

14/11/2017- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa hortagay Guddiga Arimaha Bulshada ee Aqalka Sare. Waxyaabahii wax laga weydiinayey wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha guud ee Wasaaradda, Xeerka Saxaafada Soomaaliya, Xiriirka wasaaradda kala dhaxeeya kuwa warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada iyo waxyaabaha u qabsoomay mudada uu xilka hayay. Kulanka ayaa ahaa mid lagu xoojinayey isla xisaabtanka hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda 2018

14/11/2017- Kulan deg deg ah oo ay 14kii November yeesheen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2018. Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa lagu gorfeeyey miisaaniyadda Dolwadda ee 2018 taasi oo tiro ahaan gaaraysa 274, 640,191 Milyen oo dollar taasi oo ka badan miisaaniyaddii hore.

Sidoo kale waxaa markii ugu horeysay miisaaniyada diirada lagu saaray adeegyada bulshada sida dhismaha iskuulada, goobaha caafimaadka, warshada dharka cidiamada, iyo dhismaha Akedemiyada Horumarinta Afka Soomaaliga.

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Daah Furay Mashruuc Shaqo Loogu Abuurayo Dhalinyaradda Soomaaliyeed

14/11/2017- R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo masuuliyiin kale, ayaa daah furay Mashruuc shaqo abuur ah oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Aduunka.

Mashruucaan oo lagu magacaabo SCORE, waa mashruuc lagu maalgalinayo Ganisiga yar yar ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa shaqo la’aanta ay ku heyso. Lacagta Mashuucaan ku baxeyso, ayaa lagu sheegay $28 Milyan, Maaligalinta ugu badani waa $150,000 kun, kiisa ugu yarna waa $5,000 kun, iyadoo ilaa iyo hada maaligalin loo sameeyay 70 Ganacsiyo yar yar ah.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga dib-u-eegista la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa-banaan ee Dastuurka oo gaaray heshiis is faham iyo wada shaqeyn

14/11/2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, ayaa ka qeyb galay kulan heshiis ay ku saxiixanayeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la socodka dib-u-eegista ee Baarlamaaka iyo Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo ay gaareen heshiis is af-faham oo la xiriira wada shaqeyn iyo hirgelinta geeddi-socodka dib-u-eegista arrimaha Dastuurka KMG. Heshiiskan ayaa muhiim ah dardargelinta dib u eegista dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Diinta Iyo Awqaafta Oo Kulan La Qaatay Imaamyada Masaajidda Muqdisho

15/11/2017- Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa 15kii November kulan u qabatay Imaamyada Masaajidda ee magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaarada Arrimaha Diinta iyo Awaqaafta, xoghayaha joogatada ah ee wasaaraddaasi iyo agaasimaha waaxda Diinta iyo ku dhaqqanka sharaceeda islaamka, iyadoo looga hadlay la dagaallanka argagaxisada iyo dhaqan xumada oo waayadan ku soo badanaysay dalka.

R/Wasaare Khayrre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Baraawe

15/11/2017- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa 15kii November booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jirta Maamullada dalka, si uu u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga. Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka.
DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...