Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo heshay doon dheereysa oo lagu ilaalinayo socdaalka Xuduudaha badda

Date:

Muqdisho( SONNA) Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta la wareegtey doon nooca dheereysa ah oo lagu koontorooli doono socdaalada xuduudaha badda.

Doontaan oo ay isticmaali doonaan saraakiisha laanta Hay’adda u qaabilsan xuduudaha badda ayaa lagu fulin doonaa howlgalada raadinta ah ee looga hortagayo socdaalada sharci darada ah ee ka baxaya ama ka soo galaya dalka dhinaca badda, waxayna laantaani la shaqeyn doontaa ciidamada ilaalada xeebaha Dalka.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in doontaan muhiim u tahay shaqada Hay’adda,islamarkaana lagu ilaalinayo socdaalka xuduudaha badda,waxayna sidoo kale la shaqeyn doonaan ciidamada badda Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa doonta nooca dheereysa ka heshay Hay’adda Socdaalka Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (IOM),waxaana loogu talagalay in lagu daba galo socdaalka sharcidarada ee ka jira Xeebaha Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ku horumarin lahayd Laanta socdaalka iyo Jinsiyadda dalka,waxaana si arintaasi u suurta gasha ay mas’uuliyiinta Hay’adda u gaareen dalal badan oo caalamka ka tirsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...