Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku joogay dalka Sudan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen Xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo howlo shaqo ugu maqnaa dalka Sudan ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxaa ay kulamo la qaateen madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Sudan.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhigiisa Sudan waxa ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sudan, isagoo xusay in socdaalkii dalka Sudan ay ku soo idlaatay guul.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...