Wafdi uu hoggaaminayo R/Wasaare Khayre oo goor dhow u amba baxay Baraawe

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa goor dhow u amba baxay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa ku wehliya socdaalkiisa Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin kale

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo magalaada Baraawe ee xarunta Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta u kuurgalka xaaladaha ciidamada iyo dagaalka la filayo in dhawaan ay ku dhaqaaqaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Baraawe ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadooo halkaasi ay kusugan yihiin mas’uuliyiinta maamulka Koonfurgalbeed iyo Guddoomiyaha Shabeelada Hoose,iyadoo ay soconayaan qaban qaabo lagu so dhaweynayo raiisul Wasaaraha.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday  Baraawe, waxaana ay shalay la wareegeen deegaano hoos-yimaado degmada Baraawe,sidoo kale waxaa bar bar socota duqeymo lagu beegsanayo arggagixisada Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...