Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo Deeq Taakuleyn ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Militariga+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Munaasabad ka dhacday xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho ayaa Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxay ku wareejiyeen Taliyaha ciidamada Militariga Soomaaliya Cabdi weli Jaamac Xuseen Gorod Sahay fudud oo loogu tala galay Ciidamada xoogga dalka ee dagaalka dalka looga xureynayo kula jira Maleeshiyada Al shabaab.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegtay in sahaydan isugu jirta Caano, Buskud iyo Timir laga soo aruuriyay haweenka Soomaaliyeed ee ku kala sugan gobolada dalka, iyadoo sidoo kale ay ka qeyb qaadatay Marwada Madaxweynaha.

“Sahaydaan fudud waxaa laga soo aruuriyay haween ku nool gobolada dalka oo dhamaantood diyaar u ah inay ka qeyb qaataan taakuleynta loo sameynayo ciidamada xoogga dalka, dadkii ka qeyb qaatay waxaa ka mid ah Marwada Madaxweynaha, markasta waan garab taaganahay ciidanka xoogga, waana ku dhiiri galineynaa dagaalka ay kula jiraan cadowga umadda Soomaaliyeed, waana sii wadeynaa dadaalkeena inta dalka laga xureynayo”

Taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa kaga mahad celiyay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed talaabadan ay qaadeen, wuxuuna ku sheegay in dhiiri galin weyn iyo garab istaag ay u tahay ciidamada xoogga dalka, isagoo ugu baaqay raga Soomaaliyeed inay ku deysadaan haweenka oo ay ka qeyb qaataan Taakuleynta ciidamada.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Militariga wuxuu kormeer ku tagay Xarumaha Saadka ciidamada Militariga, isagoo la kulmay hogaanka Saadka uu ka dhageystay Warbixin, wuxuuna intaas ka dib mid mid u booqday Bakhaarada Raashinka, Dharka, Keydka Shidaalka iyo Warshad cusub oo dhawaan la hirgalinayo taasoo ciidamada u sameyn doonta dharka ay xirtaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...