Madaxweyne Shariif Xasan oo Baraawe ka degay

Date:

Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ,maamulka Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose kuwaasi oo horey ugu sugnaa magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa goor dhow Muqdisho ka amba baxday diyaarad  wada Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera kuwaasi o ku wajahan magaalada Baraawe.

Arrimaha  safarkooda ayaa la xiriira xoojinta iyo dhiiro gelinta howlgalada ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay Shabaab kaga saarayaan Dalka.

Waxaa sidoo kale lafilayaa in uu halkaasi gaaro maanta wafdi ballaaran oouu hogaaminayo raiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, iyagoo u kuuragalay arrimaha ciidanka iyo bogaadinta howlgaladasi socda.

Qaban qabo xoogan ayaa haatan ka soconaysa magaalada Baraawe taasi o lagu soo dhaweynayo mas’uuliyiinta Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal...

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta...