Hey’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista dastuurka oo heshiis kala saxiixday

Date:

Muqdisho(SONNA)–Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga kor-joogteynta dib-u-eegusta dastuurka ee labada Aqal, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista iyo hergalinta Dastuurka ayaa shalay kala saxiixday heshiis wadashaqayn ah si loo dar-dargeliyo Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

Munaasabadii lagu kala saxiixday heshiiska waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Aqalka Sare ahna Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in ay la shaqeeyso Guddiyada hawsha Qaran ay kala dhaxeeyso, waxa uuna ballanqaaday in heshiiskan ay Wasaaradda ku dhaqmi doonto.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Kor-joogteynta Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan Avv Maxamed Cabdalla Saalax ayaa si wadajir ah dhankooda u ballanqaaday in ay heshiiska ku shaqayn doonaan.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh Cusmaan, RW Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre, RW Ku-Xigeenka Mahdi Gulleed Khadar, iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abshir Bukhaari ayaa Wasaaradda iyo Guddiyada waxa ay ku bogaadiyeen sida ay u soo diyaariyeen heshiiska islamarkaana u ballanqaadeen in ay dhaqangelin doonaan.

Gabagabadii, heshiiskan ayaa waddada u xaari doona ka mira-dhalinta dadaalka lagu dhameeystirayo Dastuurka qabyada ah oo ay dawladda Soomaaaliya horay u ballanqaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...