Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Miisaaniyada 2018, hambalyana loo direy doorashooyinka Somaliland “Sawirro”

Date:

 

Muqdisho (SONNA), 14 November 2017 – Shir gaar ah oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda 2018 isla markaasna hambalyo loo direy doorashooyinka Somaliland.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay guddi heer wasiir ah oo daraasad ku soo sameeyey dardargelinta xasilinta dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho. Guddiga ayaa warbixin dheer ka dib ay soo jeediyeen tallooyin muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in amniga caasimada la deegaameeyo oo barnaamijka dariseynta la dhaqangeliyo, in la diiwaangeliyo gaadiidka iyo guryaha, in taariko gaar ah loo sameeyo caasimada si gaadiidka soo galaya loo ogaado, in aaladaha casriga loo isticmaalo amniga iyo in wacyigelin buuxda bulshada loo sameeya si ay amniga kaalin buuxda uga qaataan. Golaha ayaa ka dooday oo su’aalo weydiiyey guddiga, ka dibna isku raacay in waxii tallooyin dheeri ah loo soo gudbiyo hay’adaha amniga si loo dardargeliyo barnaamijka xasilinta dalka.

Wasiirka Maaliyada ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay Miisaaniyada 2018 oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka. Miisaaniyadan ayaa ah mid si casri ah loo soo diyaariyey kuna timid wadatashiyo lala sameeyey dhammaan hay’adaha dawliga ah oo ay ku jiraan dawlad goboleedyada, iyadoo diirada lagu saaray adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, oo weliba la qorsheynayo in Iskuulo lagu dhiso, iyadoo weliba miisaaniyad loo qoondeeyey lagu xoojinayo afka Soomaaliga oo la dhisayo xaruntii Akademiyada Afka Soomaaliga. Sidoo kale waxaa miisaaniyadan ku jiro in la dhiso warshada dharka ciidamada, dhismaha hay’adaha horumarinta dhaqaalaha iyo miisaaniyad loo qoondooyey la dagaalanka musuqmaasuqa. Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ansixiyey miisaaniyada 2018 oo dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa dhageystay warbixin la xiriirta doorashooyinka ka socda deegaanada Somaliland iyo ololahii ballaarnaa ee doorashadii shalay ka horeysey. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradu waxey aad u ammaaneen isla markaasna ay hambalyo u direen doorashooyinka Somaliland oo si nabad ah u dhacay, kuna tilmaamay doorashooyin si dimoqraadiyad ah u dhacay oo xitaa ka fiican wadamada galbeedka qaarkood. Golaha ayaa sheegay inay habboon tahay in warbixinta rasmiga ah laga sugo guddiga doorashooyinka oo cidii ku guuleysata la soo dhoweeyo lalana shaqeeyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...