R/Wasaaraha XFS”Haweenku waa badbaadiyaasha Qaranka,mana aqabalidoono in Shabaab ay dadka laayaan”

Date:

Muqdisho(SONNA) Munaasabadani oo ujeedkeedu ahaa  Ololaha Haweenka Soomaaliyeed ee taageerada howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ay wadaan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana siweyn looga hadlay sidii dalka looga bad baadin lahaa cadowga.

Waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,Wasiiro katirsan Xukuumadda,xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Sooomaaliya,haween saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumaysaa gubaabinta iyo garab istaaga ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya,kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Alshabaab.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye,masuuliyiin kale iyo haween uu halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan ciidamada Qalabka sida oo dagaalka kula jira Alshabaab.

“Waxaan diyaar u nahay in aan garab istaagno ciidanka,waxaan ka daba qaadaynaa biyaha iyo caanaha,Shabaab uma dulqaadan doono dhibaatada uu shacabka ku hayaao,waxaan doonaynaa in dalka laga xoreeyo cadowga”.sidaasina waxaa yiri haweenkii halkaasi hada;lada ka jeediyay.

R’aiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbad dheer halkaasi ka jeediyay ayaa ku ammanay haweenka Soomaaliyeed dowrka ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo bad baadinta Qaranka.

“Haweenka Soomaaliyeed waa bad baadiyaasha Qaranka,waa lafdhabarkii umadda Soomaaliyeed,iskama dhahaayo eeTaariikhda ayaa qoraysa,marka iyadoo taasi ay jirto ma waxaan aqbalaynaa in shabaab dadku ay gumaadaan,Shabaab wuxuu doonayaa in dadka la xasuuqo,wuxuu ka soo horjeeda jiritaanka Umdda Soomaaliyeed,wuxuuna wataa Shisheeye,sidoo kale waxaan aqbali doonin in Dowladnimada laga leexiyo dariiqeeda,Dowladdiid iyo Shabaab waa isku mid”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya.

Raiisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday dhamaan shacabka Somaaliyeed gaar ahaan haweenka in taageero dhab ah oo geesinimo ku dheehan ay lagarab istaagan Dowladda Soomaaliya, si loga guuleysto cadowga umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...