Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Ololaha taageerada Haweenka ee Howlgalka ciidamada Qalabka Sida

Date:

Muqdisho (SONNA) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Xildhibaano iyo xubno kala ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu weyneynayay ololaha taageerada Haweenka ee howlgalka ciidamada Qalabka sida.

Munaasabadda waxaa kaloo ka soo qeyb galay qeybaha bulshada waxaana xafladda lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumayso gubaabinta iyo garab istaaga ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Xildhibaanada Haweenka ee Golaha shacabka oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin dhiiri gelinta ciidamada qalabka sida, ayna soo dhaweynayaan cidkasta oo gacan ku siineysa howsha.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in haweenku ay mar waliba diyaar u yihiin garab istaaga ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isla markaana aysan ka daali doonin guubaabinta ciidamada qalabka sida.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo soo xiray xafladda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay casuumadda ay ka muuqato wadaniyad.

“Waxaan isugu nimid inaan ka wada hadalno Mustaqbalka Soomaaliya, waxaad halkan iigu yeertaan inaan arko doorka haweenka Soomaaliyeed, doorka ay haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalkan iyo jiritaankiisa waxaa tusaale inoogu filan qeybti ay ka soo qaateen laga soo bilaabo markii aan xornimada qaadanay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Maanta waxaan u baahanahay kumaan Xaawo Taako, waxaa la hubaa oo la ogyahay in hooyooyinka Soomaaliyeed ay yihiin ayna ahaan doonaan badbaadiyeyaasha Qaranka, waxaa la ogyahay inay Nabadda jecelyihiin, waxaa la ogyahay in cadaaladda jecelyihiin, waxaa la ogyahay in raggu ka wadaniyadsanyihiin”.

“Waxaan ku faraxsanahay in 30% haweenku ay Baarlamaanka qeyb ku leeyihiin, balse waxaa la idinka rabaa inaad diidaan wixii hadda ka dambeeya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray “Waxaan idin sheegaya in dalalka dunida ugu horumarsan iyo dalalka ugu dhaqaalaha badan ee adduunka aad aragtaan, waxaa lagu gaaray ilaalinta xaquuqda haweenka, marka waxaan rabaa in raggu ay ogaadaan sirta nolosha oo la dhowro xaquuqda dumarka”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haweenkii ka qeyb galay kulanka ku guubaabiyay inaysan dhex dhexaad ka noqon in cadowga uu degaan ka dhigto Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan caawa idin sheego waxa aan ka hadlayno ma ahan, hal qof iyo hal gobol, waxaan ka hadleynaa masiirka Ummadda Soomaaliyeed, waxa laga hadlayo waa idinka mustaqbalkiina, waxaana la idinka rabaa inaad cod dheer ku taageertaan sidii dalka looga xoreyn lahaa cadowga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

“Waxaan la dagaallameynaa caddowga Ummadda Soomaaliyeed oo ah Al-Shabaab, Shabaabku calan ma wadaagi karno waayo waxa ay gubaan calanka baluugga ah oo dad badani u soo dhinteen, Shabaabku dhul lama wadaadi karno, waayo waxa ay aaminsanyihiin in dhulka ay nala leeyihiin ajaanib dooneyso inay Ummaddan xasuuqdo, marka ma jirto wax aan wadaagi karno argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin Qaranimo iyo inay cadowga ka sifeeyaan dalkooda, isagoo intaa ku daray in dowladdu ay u baahantahay shacab garab taagan oo ka qeyb qaata howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in Madaxda Qaranka ay ka soo bixi doonaan kaalinta looga baahanyahay, shacabkuna laga rabo inay dhankooda ka qeyb qaataan kaalinta uga aadan horumarinta dalka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowlad diidka iyo Shabaabku aysan wax farqi ah u dhexeyn, waxaana uu taliyaha Xoogga dalka ku amray in uu xafiiskiisa u furo haweenka sidii ay u garab istaagi lahaayeen ciidamada qalabka sida.

“Ka daalimeyno inaan cadowga iska difaacno, maka niyad jabeyno inaan ilaalino sharafta iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed” ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa ku soo xiray.

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...