100 qof oo ku dhimatay dhulgariir ku dhuftay Iiraan iyo Ciraaq

Date:

Waxaa Wadamada iiraan iyo Ciraaq ruxay Dhul-gariir xoog badan oo cabirkiisu yahay 7.3,kasi oo la sheegay in ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 100 qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in Ugu yaraan 129 ruux ay ku dhinteen gobolka Kermanshah ee galbeedka dalka Iiraan, sida ay mas’uuliyiin u sheegeen warbaahinta dawladda Iiraan.

Dalka Ciraaq ayaa sidoo akel Afar ruux oo kale oo dheeri ah ku dhimatay,Waxay u badan tahay in dhimashadu ay intaas ka sii badato.

Dhulgariirka ayaa jahwareer abuuray, dadkuna waxay billaabeen in ay guryahooda ka cararaan oo ay wadooyinka tagaan.

Magaalada Baqdaad ee Caasimadda Dalka Ciraaq ayaa waxaa masaajidda ka bilaabatay salad iyo duco ku aadan in ilaahay uu ka bad baadiyo musiibadaasi.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ay waxyeeladu soo gaartay waxay ku sugnaayeen magaalada Sarpol-e Zahab oo 15km u jirta xadka labada dal, sida uu telefeshinka dawladda iiraan ee IRINN u sheegay madaxa gurmadka degdegga ah ee Iiraan, Pir Xuseen Koolivand,

Morteza Salim  oo ahmadax hay’adda Bisha Cas ee Iiraan ayaa sheegay in ilaa 8 tuulo oo kamid ah goobaha dhulgariirka uu ku dhuftay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...