Wasiirka Maaliyadda”Dhawaan Miisaaniyadda dowladda 2018 waxaa la horgeynayaa Golayaasha Wasiirad iyo XFS”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wasaarada Maaliyadda ay isku diyaarineyso sidii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay u horgeyn laheyd Miisaaniyada cusub ee sanadka 2018.

Wasiirka oo war kooban ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in sidoo kale la horgeyn doono Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya si ay u ansixiyaan ka dibna Baarlamaanka loo gudbin doono.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay rajeynayaan in Miisaaniyadda cusub ay noqoto mid wax ka qabato Baahiyaha Dowlada.

Sanadka cusub ee 2018ka ayaa waxaa ka harsan oo kaliya 1 bil iyadoo,waxaana lafilayaa in Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay dhawaan wajihi doonaan meelmarinta miisaaniyadaasi oo muhiim u ah howlaha dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...

Kulan looga hadlayay ilaalinta carruurta ee ka hortagga colaadaha hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...