Wasiir kuxigeenka Amniga Gudaha oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Rwanda

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiir kuxigeenka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdinasir Said Muse oo uu wehlinayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Ali Mohamed Ali ayaa waxa ay maanta ku soo dhoweeyeen Muqdisho wafdi ka socda Dowladda Rwanda oo uu hoggaaminayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Rwanda Mr. Claude NIKOBISANZWE.

Imaanshiyaha wafdigan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib kulan bishii October 21 ku dhexmaray Magaalada Kigali Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Rwanda H.E. Ms. Louise Mushikiwabo iyo Wasiir kuxigeenadda Arrimaha Dibadda iyo Amniga gudaha ee Soomaaliya oo looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Dowladda Rwanda ayaa lafilayaa in deeq dawo ah ay soo gaarsiiso Muqdisho,taasi oo toban tan ka kooban , waxaana loogu talagalay in lagula tacaalo, laguna daweeyo dhaawacyada qaraxyadii ugu dambeeyay ee ruxay Caasimadda Muqdisho.

Qaabilaadda Wafdiga Dowladda Rwanda ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Adv. Hersi Haji Olosow, Agaasimaha Waaxda Afrika Mr. Abdilatif Mohamud Ali iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia Mr. Hassan-Nur Abdi Aden iyo diblomaasiyiin kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...