Soomaaliland oo ka bilaabatay codbixinta doorashada

Date:

Soomaaliland(SONNA) Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada madaxweynaha Soomaaliland,iyadoo la arkayo dadweyne aad u farabadan oo safuuf dhaadheere kujira si ay codkooda u dhiibtaan.

Gudoomiyaha guddiga doorashada ee Somaliland Siciid Cali Muuse ayaa  sheegay in uu goobo badan soo kormeeray kuwa kalana la xiriiray, codayntu ay billaabatay 7:00 subaxnimo,waxaana la filayaa in dadka reer Soomaaliland ay doortaan hoggaan cusub.

Shaqo-la’aanta ayaa ka mid ah ah arrimaha muhiimka ah ee isha lagu hayo, iyadoo boqolkiiba todobaatan iyo shan dadka da’da yar aanay wax shaqo ah haysan.

Waxaa ku tartamaysaa ilaa 3 musharax eek ala ah Muusa Biixi,Faysal Cali Waraabe,iyo C/raxmaan Ciiro,kuwaasi oo midkasta sugaya natiijada ka soo bixi doonta doorashada,waxaana sidoo kale codaynaya musharixiinta.

Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxa ay ku baaqeen in maalinta codbixinta la xayiro isticmaalka baraha bulshada si looga hortago in barahaasi lagu faafiyo warar been abuur ah.

Waxa ku sugan Soomaaliland korjoogayaal caalami ah kuwaasi oo u kuurgalaya xaaladda guud ee Doorashada,waxayna sugayaan habka ay u dhacayso doorashadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...