Taliyaha C.X.D oo 5000 oo dollar ugu deeqey Naafada Martiine kujirta+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Janaraal C/weli Jaamaca Xuseen (Gorod) Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed iyo saraakiil kale ayaa maanta booqday Isbitalka Martiine ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo ay kujiraan Naafadda Ciidanka Xooga Dalka.

Ujeedada booqashada Taliyhaha ayaa ahayd sidii loo dhiiro gelin lahaa Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee kunool isbitalkaasi,wuxuu sheegay  in ay dadaal u galidoonaan sidii caafimaad dibadda ah loogu qaadi lahaa Naafadda kuwoodi oo xaaladoodi caafimaad aan Dalka waxba looga qaban Karin.

Taliye C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa wuxuu ugu deeqay lacag dhan 5000 kun oo dollar naafadda Martiin,taasi oo uu ku sheegay in loogu talagalay in lagu dhiirogeliyo nolosha qoysaskada askartasi.

Intii uu joogay halkaasi wuxuu kormeer ku sameeyey qeybaha uu ka kooban yahay isbitalkasi Mrtiini iyo dhismayaasha cusub ee halkaasi ka socda,wuxuuna dhiirogeliyay howlaha dib u dhiska halkaasi ka socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...