Seddax qofood oo ku dhimatay toogasho ka dhacday dukaan ku yaala Mareynkanka

Date:

Saddex Qof ayaa la dilay ka dib toogasho ka dhacday dukaanka Walmart  ee magaalada Thornton ee dalka Mareynkanka, sida uu sheegay Booliska.

Kooxo hubeysan ayaa habeenkii arbacada ahayd rasaas ku furay gudaha Dukaan ku yaalo magaalada Thornton ee Gobolka Colorado,taasoo sababtay geerida labo ruux halka haweeney kale dhaawac uu soo gaaray markii danbe Cisbitaalka ugu geeriyootay,sida ay sheegeen Waaxda Booliska magaalada Thornton.

Booliska ayaa sheegay in dhacdadaan tuhmanayaal loo qabtay kuwaasoo hadda su’aalo la weydiinayo,mana jirto cid ilaa iyo hadda loo xiray arintaan,sida Booliska ay sheegeen.

Saacad ka dib markii feejignaan sare lagu jiray ayay Booliska waxay sheegeen in qatarka kooxaha hubeysan lagu idleeyay gudaha Dukaanka.

“Markii rasaasta ay bilaabatay durba waxaa bilowday cabsi iyo kala carar macaamiiska ku dhacay” ayuu yiri mid ka mid dadkii dukaameysanayay.

Dhacdooyinka ceynkani oo kale ayaa ku cusbeyn dhegaha Shacabka Mareynkanka,waxaana dhacdadii ugu danbeysay ay ka dhacday magaalada New York oo lagu dilay seddeed qof halka 11-kalena la dhaawacay ka dib markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda gaashaandhigga oo soo dhoweysay saraakiil ka socota Ingiriiska

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda gaashaandhigga mudane Cabdifataax Cabdulqaadir...

Wasiir Fiqi oo kormeeraya furimaha dagaalka Shabeellaha dhexe

Wasiirka gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallim Fiqi oo ku...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha...