Ciidamada Ciraaq oo qabsaday magaaladii ugu danbeysay ee gacanta ugu jirtay Daacish

Date:

Muqdisho(SONNA) Ila wareedyo rasmiya oo laga helayo dalka suuriya ayaa xaqiijiyay in ciidamada suuriyo iyo xulfadoodu si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Albu Kamal,oo ah fadhiisinkii ugu dambeeyey  ay haysteen ururka Daacish.

Hay’adda xuquuqul insaanka dalka suuriya ayaa sheegtey in magaaladu wali go’doonsan tahay xaalada nololeedn aad u adag tahay.

Wakaalada wararka suuriya ee ( S AN A ) ayaa qortay in goor sii horeysay gacanta lagu dhigay magaalada Albu Kamal  hadana ay wadaan sidii looga nadiifin lahaa kooxaha Daacish deegaanada ku dhow dhow.

Waxay intaa ku dartey wakaaladu in ciidanka suuriya uu gaadhey xadka uu la wadaago wadanka ciraaq islamarkaana  halkaaasi ku wada kulmeen ciidamada Ciraaq

Magaalada Albu Kamal  waxay dhacdaa xadka suuriya ay la wadaagto Ciraaq deegaanka loo yaqaano Deyri Suur oo Hodan ku ah shidaalka.

Albukamaal waxay ahayd magaaladii ugu dambeysey ee gacanta ugu jirtay ururka Daacish waqtiyadaan ugu dambeeyeyna ay ka dhacayeen dagaalo qadhaadh oo u dhexeeyey ciidamada dalka Suuriyoo gacansiinayaa kuwa isbahaysigu iyo ururka Daacish

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...