Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Dalka Sudan

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo Wafdigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo u joogay Suudaan , ayaa Magaaladda Khartuum ee Xarunta dalkaasi  kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka dalka Suudaan,  Xasabuu Maxamed C/raxmaan oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweyne ku xiggeenka, ayaa inta kulankooda uu socday waxa ay iska soo hadal qaadeen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin Iskaashiga dhinaca amniga ee labada wadan, dimoqraadiyeynta, horumarinta addeegyada Bulshada iyo siyaabaha tooska ah ee wax wada qabsiga labada Dal ee dhinaca dimoqraadiyeynta.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in kulanka uu guul kusoo dhamaaday,  isagoo u mahad celiyay Shacabka iyo Dowlada Suudaan.

Waxaa kale uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Magaaladda Khartuum maanta kula kulmay Xeer ilaaliyaha guud ee Dalkaasi Mudane  Cumar Axmed Maxamed oo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin Madax banaanida iyo qaab dhismeedka Garsoorka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa kulan la qaatay Mudane Ibraahim Maxamuud Xaamid oo ah Kaaliyaha Madaxweynaha Sudan ahna Xogahayah Guud Xisbiga talada haya  ee Dalkaasi oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada Wadan iyo habka sameynta Axsaabta Siyaasadeed, maadaaama Soomaaliya uu hadda ay u  diyaar garoobeeyso Nidaamka Axsaabta Siyaasadeedka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa waxa booqasho Sharafeed u tagay Xarunta Aqalka labaad ama Golaha Wakiilada  Dowlad goboleedyada ee Jamhuuriyadda dalkaasi suudaan, waxaana halkaasi uu kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka labaad ee wakiilada Dowlad goboleedyada Jamhuuriyadda Suudaan oo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin ,xiriirka ay la leeyihiin dowlad goboleedyada, Habraaca ay u ilaaliyaaan danaha walaayaadka iyo nidaamka xukunka iyo sidoo kale Awooddaha loo dhaadhiciyay  Bulsahada dowlad goboleedyada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya iyo wafdigiisa, ayaa booqday Isbitaalka suudaan ee la geeyay qaar ka mid ah dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay Musiibadii 14-October ka dhacay Isgooyska 14.ka October Ex zoobe ee Magaaladda Muqdisho, isagoo ALLE  uga baryay in caafimaad deg deg uu siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...