Madaxda Soomaliya oo go’aan midaysan dul dhigtay sariikiisha AMISOM+ Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga Dalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa.

Kulankan waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Inta uu socday kulankaasi waxaa siweyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka looga ciribtirayo Alshabaab iyada oo sidoo kale la isla meel dhigay kaalinta AMISOM ay ka qaadanayso dagaalka.

Danjirayaasha dalalka Ciidamada  ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...