Jubbaland oo diyaarisay ciidamo loogu talo galay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee deegaanada gobolka Gedo

Date:

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ay Al-Shabaab kula dagaallamaan deegaanada gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid C/rashiid Xasan Nuur ayaa sheegay in ciidamadaan loogu tala galay in ay dagaal la galaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo si gaar ah u tababar, waxaana uu sheegay in la fulinaayo Amarkii Madaxda dalka ee ahaa in la qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli deegaanada Jubbooyinka ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...