Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Shir wadatashi ah ka furtay Muqdisho

Date:

Shir wadatashi ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkani wuxuu socon doona muddo labo maalmood ah, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wasiirrada warfaafinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradahaasi, waxaana sidoo kale goob joog ka ah Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka, waxaa ka mid ah Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta Dalka ee la xiriirta Tabinta habka Warbaahineed iyo doorka looga wada qeyb qaadan karo.

Sidoo kale waxaa looga hadlaya sidii warbaahinta Dowliga ah iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ay u mideyn lahaayeen aragtidooda ku aadan habka bulshada loogu gudbinayo Macluumaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...