Shirka Baarlamaanka Carabta oo maanta ka furmay magaalada Khartum

Date:

Shirka Baarlamaanka Carabta oo ay ku mideysiyiin baarlamaannada dalalka Carabta  ayaa markii ugu horreysay waxaa lagu qabtay Magaaladda Khartuum ee Xarunta dalka  Sudan.

Shirkan oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dalka Sudan waxaa furitaankiisa ka qeyb galay guddoomiyaha baaarlamaanka Carabta, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan iyo dhamaan gudoonka iyo xildhibaannada xubnaha ka ah Baarlamaanka Carabta oo ay ku jiraan afarta xubnood ee golaha shacabka ee JFS u matalaya Baarlamaanka Carabta.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mishaal Bin Fahm Al-Salami oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan xubnaha ka socda dalalka Carabta ee baarlamaanka Carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Sudan Ibraahiim Axmed Cumar Ayaa  u mahad celiyay wafdiga ka socda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir oo si rasmi ah shirka u furay ayaa ka hadlay muhiimmada uu shirka dalalka carabta u leeyahay.

Shirka waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha dalalka Yeman, Falastiin iyo cuna qabateyntii dhinaca dhaqaalaha ah ee dhawaan laga qaaaday dalka Sudan iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo siyaasadda  dalalka Carabta.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Geelle oo ka mid ah afarta xubnood oo xildhibaannada golaha shacabka JFS u matala Baarlamaanka Carabta ayaa geba gabada shirka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalkeena Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...