Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  oo Koorso waxbarasho ah  loo furay “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) In ka badan 70 Sargaal oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  ayaa maanta loo furay koorsooyin ay ku  baran doonaan luuqada Ingariiska iyo daryeelka Macaamiisha (costamer care).

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolajiyada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo  Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya,  ayaa si wada jir ah u daahfuray aqoon kororsiga, waxaana uu agaasimaha guud sheegay in dhammaan saraakiisha HSJ loo tababari doono shaqooyinka ay qabtaan.

Koorsooyinkaan waxbarasho, ayaa lagu bilaabey saraakiisha ka howlgala Garoonka  caalamiga Aadan Cadde iyo kuwa ka howlgala xafiiska adeegga martida (Ajaanibta), waxaana si wada jir ah isaga kaashanaya Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya iyo Hay’adda Socdaalka  Aduunka ee (IOM), wuxuuna socon doonaa muddo lix bilood ah, iyadda oo la gaarsiin doono laamaha hay’adda ee ka howlagala qeybaha kale ee dalka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...