Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  oo Koorso waxbarasho ah  loo furay “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) In ka badan 70 Sargaal oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  ayaa maanta loo furay koorsooyin ay ku  baran doonaan luuqada Ingariiska iyo daryeelka Macaamiisha (costamer care).

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolajiyada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo  Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya,  ayaa si wada jir ah u daahfuray aqoon kororsiga, waxaana uu agaasimaha guud sheegay in dhammaan saraakiisha HSJ loo tababari doono shaqooyinka ay qabtaan.

Koorsooyinkaan waxbarasho, ayaa lagu bilaabey saraakiisha ka howlgala Garoonka  caalamiga Aadan Cadde iyo kuwa ka howlgala xafiiska adeegga martida (Ajaanibta), waxaana si wada jir ah isaga kaashanaya Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya iyo Hay’adda Socdaalka  Aduunka ee (IOM), wuxuuna socon doonaa muddo lix bilood ah, iyadda oo la gaarsiin doono laamaha hay’adda ee ka howlagala qeybaha kale ee dalka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...