Kusimaha Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Nairobi kusoo dhoweeyey dhaawacyadii maanta Muqdisho laga qaaday “Sawirro”

Date:

Nairobi (SONNA) Dhaawacyaddii Maanta laga qaaday Magaaladda Muqdisho ee ku wajahnaa dalka Kenya, ayaa goor dhoweyd ka degay Garoonka diyaaraddaha Magaaladda Nairobi, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiin uu ka mid  yahay ku simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Mudane Cali Bagadi iyo Masuuliyiin Dowladda Imaaraadka ka socda.

Dhaawacyaddaasi gaaray Dalka Kenya, ayaa Magaaladda Muqdisho waxaa ka qaaday Dowladda Imaaraadka, waxaana ay tira ahaan gaarayaan 9 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, iyaddoo  horay dowladdaasi ay kenya u geeysay 7 qof oo Bukaan ah, kuwaasi oo dhammaan ku dhaawacmay Qaraxii Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska 14 Oktoobar Ex Zoobe ee Muqdisho.

ku simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, ayaa  Dowladda Imaaraadka uga mahad celiyey garab istaaga ay u muujisay Ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in Safaaradda si dhow ay ula socon doonta Xaaladda Caafimaad ee Bukaanadda Dalka kenya la geeyey.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...