Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Xildhibaan Axmed Cashara

Date:

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Cawad Axmed Cashara oo xalay ku geeriyooday magaalada Toronto.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxwyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumka oo ka mid ahaa Barlamaankii dowladdii kumeel gaarka ahayd, uu u soo shaqeeyey dalkiisa xilli adag isaga oo kaalin muhiim ah kulahaa sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

“Alle ha u naxariisto Xildhibaanka, waxa uu inta ugu badan nolashiisa ku bixiyey ururinta taariikhda Soomaalida, isaga oo ka mid ah dadka sida gaarka ah isugu xilqaamay baarista iyo qorista taariikhdeenna soo jireenka ah.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...