Hoggaamiyihii Kurdiyiinta Ciraaq oo iscasilay

Date:

Ciraq(SONNA) Masoud Barzani Madaxwaynaha Kurdiyiinta Ciraaq, ayaa jeediyay khudbad kulul ka dib markii ay baarlamaanka gobolkaasi ka aqbaleen codsigiisii ahaa in uu xilka ka dago xili ay jiraan xiisado siyaasadeed.

Madaxweyne Barzani Khudbad uu si toos ah uga jeediyay telefishinka, Mr Barzani waxa uu sheegay in aysan jirin cid garab istaagtay Kurdiyiinta ka dib codeyntii madaxbanaanida ee bishii aanu soo dhafnay.

Wuxuu sheegay Mr Barzani in marnaba aan la baab’in doonin natiijada aftidaasi.

Waxa uu xusay in inkastoo uu baarlamaanka sharciyan u kordhin karo muddada uu xilka haynayo hadana uu doorbiday in uusan dalban arrintaasi,asagoo intaa ku daray in siyaasiyiin iska soo horjeeda ay sameeyeen khiyaano qaran ka dib markii ay ciidamada Ciraaq ku wareejiyeen magaalada shidaalka qaniga ku ah ee Kirkuk iyada oo aan wax dagaal ah lala galin.

Masoud Barzani ayaa farta ku fiiqay doorkii ay dagaalyahanada Kurdiyiinta Peshmerga ay ka qaateen dagaalkii la la galay kooxda la baxday dowladda Islamka.

Ka dib is casilaadiisa aya waxa jiray dad isugu soo baxay xarunta baarlamaanka ee Irbil,Xubinihii ay siyaasada isaga soo horjeedeen mr Barzani ayaa xafiisyadooda isku so xiray si ay uga baxasadaan taageerayasha mr Barzani oo aad u caraysnaa,waxaana la maqlayay Risaas oo cirka loo ridayay si loo kala cayriyo dadka dibad baxa dhigayay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....