Hoggaamiyihii Kurdiyiinta Ciraaq oo iscasilay

Date:

Ciraq(SONNA) Masoud Barzani Madaxwaynaha Kurdiyiinta Ciraaq, ayaa jeediyay khudbad kulul ka dib markii ay baarlamaanka gobolkaasi ka aqbaleen codsigiisii ahaa in uu xilka ka dago xili ay jiraan xiisado siyaasadeed.

Madaxweyne Barzani Khudbad uu si toos ah uga jeediyay telefishinka, Mr Barzani waxa uu sheegay in aysan jirin cid garab istaagtay Kurdiyiinta ka dib codeyntii madaxbanaanida ee bishii aanu soo dhafnay.

Wuxuu sheegay Mr Barzani in marnaba aan la baab’in doonin natiijada aftidaasi.

Waxa uu xusay in inkastoo uu baarlamaanka sharciyan u kordhin karo muddada uu xilka haynayo hadana uu doorbiday in uusan dalban arrintaasi,asagoo intaa ku daray in siyaasiyiin iska soo horjeeda ay sameeyeen khiyaano qaran ka dib markii ay ciidamada Ciraaq ku wareejiyeen magaalada shidaalka qaniga ku ah ee Kirkuk iyada oo aan wax dagaal ah lala galin.

Masoud Barzani ayaa farta ku fiiqay doorkii ay dagaalyahanada Kurdiyiinta Peshmerga ay ka qaateen dagaalkii la la galay kooxda la baxday dowladda Islamka.

Ka dib is casilaadiisa aya waxa jiray dad isugu soo baxay xarunta baarlamaanka ee Irbil,Xubinihii ay siyaasada isaga soo horjeedeen mr Barzani ayaa xafiisyadooda isku so xiray si ay uga baxasadaan taageerayasha mr Barzani oo aad u caraysnaa,waxaana la maqlayay Risaas oo cirka loo ridayay si loo kala cayriyo dadka dibad baxa dhigayay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Mombasa

Waxaa Magaalada Mombasa lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah...

Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in Ukraine...

Safiirka JFS ee Masar oo soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqasho rasmi ah ku yimid Qaahira

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Amb. Cali...