Ra’iisul Wasaare Khayre”Waxaan ugu hambalyeynaa Dowladda iyo shacabka Turkiga maalinta xoriyadda Dalkooda

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa hadalkan jeediayay mar uu ka qeybgalayay  Munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 94-aad ee ka soo wareegatay xiligii ay xurnimada qaadatay Jaamhuuriyadda Turkiga.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Dawladda, Shacabka iyo halgamayaashii dalka Turkiga maalinta xoriyadda dalkooda oo dadaal dheer ay u galeen sidii ay isaga qaadi lahaayeen heeryada gumeysiga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre oo si gaar ah hambalyo ugu diray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay garab istaagooda dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxuna tilmaamay in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu wax weyn ka beddelay xaaladda Soomaaliya.

“Dawladda Turkiga waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagoodii waqtigii adkaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeediyeen, xiliyadii ay dalkan soo wajahday xaaladaha adag oo ugu danbeysay qaraxii bishan ka dhacay Muqdisho oo door lama ilaa waan ah ay ka qaateen” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Bekar ayaa xusay in Jamhuuriyada Turkiga ay ka go’an tahay mar waliba iney taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeed ayna ku garab istaagaan sidii ay mar kale cagahooda isugu taagi lahaayeen.

Munaasadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Madaxweyne-yaasha dawlad gobolleedyada Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo dhammaantood hambalyo ku aadan maalinta xoriyadda u diray dawladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...