Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka tacsiyadeeyey geerida S/guuto C/raxmaan Khaliif.

Date:

Muqdisho(SONNA) Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Generaal Cabdi Jaamac Warsame Gorod ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay weerarkii hotelNaashablood2 ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa si gaar ah uga tacsiyadeeyey geerida Sareeye Guuto C/raxmaan Khaliif Dhicis kaasi oo kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii bahalnimo ee hotelkaasi xalay ay ku qaadeen maleeshiyada Shabaab.

Wuxuu sheegay in uu ahaa qof karti leh islamarkaana lagu yaqiinay gudashada waajibaadkiisa qaran,kuna amaanay dowrkii uu qaatay intii uu nolaa.

Wuxuu Alle uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo qoyskiisa iyo dhamaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Hadab halkani ka Akhriso taariikhda marxuumka oo kooban.

Weerarkii maleeshiyada SHabaab ay xalay ku qaadeen hotel Naasahablood waxaa ku dhintay in kabadan 20 qof tiro kale intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen,iyadoo gacanta lagu dhigay 3 kamid ah dhagar qabayaashii weerarkaasi fuliyay halka labo kamid ahna ay isqarxiyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...