Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka tacsiyadeeyey geerida S/guuto C/raxmaan Khaliif.

Date:

Muqdisho(SONNA) Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Generaal Cabdi Jaamac Warsame Gorod ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay weerarkii hotelNaashablood2 ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa si gaar ah uga tacsiyadeeyey geerida Sareeye Guuto C/raxmaan Khaliif Dhicis kaasi oo kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii bahalnimo ee hotelkaasi xalay ay ku qaadeen maleeshiyada Shabaab.

Wuxuu sheegay in uu ahaa qof karti leh islamarkaana lagu yaqiinay gudashada waajibaadkiisa qaran,kuna amaanay dowrkii uu qaatay intii uu nolaa.

Wuxuu Alle uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo qoyskiisa iyo dhamaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Hadab halkani ka Akhriso taariikhda marxuumka oo kooban.

Weerarkii maleeshiyada SHabaab ay xalay ku qaadeen hotel Naasahablood waxaa ku dhintay in kabadan 20 qof tiro kale intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen,iyadoo gacanta lagu dhigay 3 kamid ah dhagar qabayaashii weerarkaasi fuliyay halka labo kamid ahna ay isqarxiyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...