Guddoomiye Jawaari Oo Khartoum Kula Kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan “SAWIRRO”

Date:

Khartuum(SONNA)-Wafdi uu hogaaaminayo gudoomiyaha golaha shacabka JFS oo booqasho ku jooga Dalka Suudaan ayaa maanta Magaaladda Khartuum ee xarunta dalka Suudaan kulan kula qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalkan Suudaan.

Gudoomiyaha golaha shacabka iyo waddigiisa ayaa lagu soo dhoweeyay xarunta Baarlamaanka ee dalka suudaaan ,waxaana labada Gudoomiye ay ka wada hadleen xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga iyo wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac wada qaareen kulan ay goob jog ahaayeen xildhibaano ka tirsan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Suudaan ,waxaana kulanka looga hadlay sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen,dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dejinta shuruucda Baarlamaanada labada wadan ,

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sidoo kale ay labada Gudoomiye ka wada hadleen isdhaafsiga qubaro dhinaca sharciga ah.

sawir qaade cadnaan

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...