Kulamo wadatashi ah oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya”Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa kasoconaya kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan madaxda sare ee dowladda Federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kuwaasi oo arrimo dhowr ah looga hadlayo.

Kulamada oo ah kuwa hor dhac u ah shirka uu iclaamiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa goob joog ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Hirshabelle, K/Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha dalka Mudane Maxamed cabdullaahi farmaajo iyo Raiisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana diiradda lagu saarayaa wadatashiyo la xiriira qaabka uu noqonayo shirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo lafilayo in galinka dambe ee maanta uu furmo.

Kulamo shalay ay yeesheen dhinacyada ayaa laisku raacay in ajandaha shirka uu noqdo sida laisaga kaashan karo ladagaalanka kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab oo dhibaato ku haya dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...