Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Muqdisho shalay ka dhacay

Date:

Muqdisho (SONNA)  Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyed iyo Ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Qaraxyada ay la socdeen ee  Shalay galab Maleeshiyada Argagixisada ah Alshabaab ay ku qaadeen hotel Naasa hablood2, kaasi oo waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Taliyaha Ciidanka asluubta Soomaaliyeed, S/gaas Xuseen Xasan Cismaan, ayaa sheegay in argagixisada ay usoo jeesteen daadinta dhiigga dad shacab ah oo aan waxba galabsan, isagoo ALLE uga baryey dadkii ku dhintay Weerarkaasi in alle janadiisa Fardowza uu ugu bashaareeyo, halka kuwa dhaawacmayna uu EEBE uga baryey caafimaad deg deg ah uu siiyo.

Taliyaha Ciidanka asluubta Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale u tacisiyadeey masuuliyiintii qaraxaasi ku dhintay oo ay kamid yihiin Ex Xildhibaan Cabdi naasir gaarane, Ex Wasiir Madoobe nuunoow iyo G/dhexe Max’ed Yuusuf Nuur (Fanax) Taliyihii saldhiga Booliska degmada Dayniile, waxaana uu ku tilmaamay in ay ahaayeen daljireyaal danta qaranka ka shaqeynayey, taariikhdana ay baal dahab ah ka geli doonaan.

ugu dambeyn Taliyaha, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaqeyb qaataan dagaalka lagula jiro Nabad diidka Alshabaab, Ciidamada amaankana ay kala shaqeeyaan sugida amaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...