Ciidamada Amniga oo soo bad baadiyay dad badan iyo howlgaladii oo socda

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo weli rasaas goos goos ah iyo jug umuuqata in ay tahay bam gacmeed  laga maqlayo gudaha hotelka Naasahablood 2 ayaa waxaa dhanka kale barbar soonaya dadaalo ciidamada ammaanku ay ku soo bad baadinayaa dad badan oo halkaasi ku xanibnaa.

Ciidamada ayaa ku guulestay in ilaa iyo hadda ay soo badbaadiyaan dad isugu jira mas’uuliyiin iyo siyaasiin,oo halkaasi kujiray welina waxaa soconaya howlgalkaasi,wararka ayaa sheegay i qof kamid ah maleeshiyada Shabaab uu halkaasi ku haray.

Khasaaraha dhimashada ayaa ilaa iyo haatan waxaa la sheegayaa in uu gaarayo in kabadan 15qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca in kabadan 20 kale sida ay xaqiijinayaan laamaha caafimaadka iyo kuwa amniga.

Waxaa goobtaasi gaarey mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banadir,saraakiil iyo xubno katirsan Dowladda.

Qarax ayaa burbur xoogan gaarsiiyay hotelkaasi iyo dhismayaal kale oo ka agdhow.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...