Madaxweyne Farmaajo “Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayey weerarkan argagixiso”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeynaaya muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii argagixisada ahaa ee lala beegsaday Hoteel Naaso hablood.

Madaxweynahu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday weerarkaas arxan darrada ah.

“ Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo caafimaad deg-deg ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarkaan mid ay doonayso argagixisada Alshabaab in ay ku cabsi galiso shacabka Soomaaliyeed ee ku baraarugay musiibadii 14ka Oktoobar, taas oo horseedday midnimo iyo istaakulayn ay muujiyeen shacabku dal iyo dibadba.

“Waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee is garab-istaagay xilligii adkaa iyaga oo muujinaya sida ay uga go’antahay in ay ka qayb qaataan abaabulka lagu nabadaynayo dalka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in falalka noocaan oo kale ah aysan marnaba niyad-jab ku noqonayn qorshayaasha iyo howlgallada dowladda ay kaga hortagayso dhibaatada ay ku hayaan shacabka argagixisada Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....