Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo kusoo qul qulaya Muqdisho

Date:

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo qul qulaya madaxda dowlad goboleedyada dalka oo qaarkood ay soo gaareen magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka uu ku casuumay madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Masuuliyiin katirsan dowladda ayaa madaxda dowlad goboleedyada dalka kusoo dhaweynaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, madaxdaas oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Wasiirka Arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in wali ay kujiraan soo dhaweynta madaxda dowlad goboleedyada oo intooda badan iminka ay joogaan magaalada Muqdisho, sidaasi daraadeedna shirku uu furmi doono maalinta bari ah.

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u iclaamiyey in dhamaadka bishaan Muqdisho uu ka furmayo shirka madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo arrimo badan lagu falanqeyn doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...