Guuddoomiye Jawaari iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u amba baxay Dalka Suudaan

Date:

Wefdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari ayaa u amba baxay dalka Suudaan kadib markii uu casuumaad ka heley dhigiisa.

Waxaa ku wehliya safarkiisa guddoomiye Jawaari xildhibaano katirsan Golaha SHacabka,iyadoo ay halkaasi ku sii sagootiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiayah Golaha SHacabka iyo wefdigiisa ayaa kulamo la yeelan doonaan madaxda dalkaasi Suudaan oo uu ugu horeeyo guddoonka baarlamaanka Dalkaasi oo casuumaad rasmi ah u fidiyay wefdigan.

Mas’uuliyiinta ayaa lafilayaa in ay ka wada hadlaan xiriirka iskaashiga ah ee ka dhexeey alabada baarlamaan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...