Guuddoomiye Jawaari iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u amba baxay Dalka Suudaan

Date:

Wefdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari ayaa u amba baxay dalka Suudaan kadib markii uu casuumaad ka heley dhigiisa.

Waxaa ku wehliya safarkiisa guddoomiye Jawaari xildhibaano katirsan Golaha SHacabka,iyadoo ay halkaasi ku sii sagootiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiayah Golaha SHacabka iyo wefdigiisa ayaa kulamo la yeelan doonaan madaxda dalkaasi Suudaan oo uu ugu horeeyo guddoonka baarlamaanka Dalkaasi oo casuumaad rasmi ah u fidiyay wefdigan.

Mas’uuliyiinta ayaa lafilayaa in ay ka wada hadlaan xiriirka iskaashiga ah ee ka dhexeey alabada baarlamaan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...