Wasiir Beyle” Canshuurta waa inaan bixinaa si aan u helno Amni,Caafimaad iyo Waxbarasho”,

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney bixiyaan canshuurta si ay u fududaato helida adeegyada muhiimka ah ee Dowladda uga baahan yihiin.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in canshuurta oo la bixiyaa ay sahleyso in horay loo dhaqaaqo,islamarkaana dalka uu ku talaabsado horumaro la taaban karo,sida dib u dhiska,kabcida kaabayaasha dhaqaalaha iyo iney shacabka si joogta uga helaan Dowladda adeegyada asaasiga ay u baahan yihiin.

“Canshuurta waa in aan bixinaa si aan u helno Amniga, Caafimaad & Waxbrashada. Canshuur la’aan ma socon karto,Soomaliyeey gacmaha aan is qabsano”,ayuu ku yiri Wasiir Beyle Qoraalka uu bartiisa Twitterka soo dhigay.

Dowladda uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa balan qaaday iney xoogga saareyso in sare loo qaado daqliga soo gala dalka iyo in shacabka la tuso kalsooni ay ku bixin karaan canshuurta looga baahan yahay.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa wada dadaalo ku aadan sidii lagu hormarin lahaa dhaqaalaha dalka,waxaana si loo hubiyo canshuuraha dalka soo galaya uu dhowr mar kormeeray Dekadda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...