Wasiir Beyle” Canshuurta waa inaan bixinaa si aan u helno Amni,Caafimaad iyo Waxbarasho”,

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney bixiyaan canshuurta si ay u fududaato helida adeegyada muhiimka ah ee Dowladda uga baahan yihiin.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in canshuurta oo la bixiyaa ay sahleyso in horay loo dhaqaaqo,islamarkaana dalka uu ku talaabsado horumaro la taaban karo,sida dib u dhiska,kabcida kaabayaasha dhaqaalaha iyo iney shacabka si joogta uga helaan Dowladda adeegyada asaasiga ay u baahan yihiin.

“Canshuurta waa in aan bixinaa si aan u helno Amniga, Caafimaad & Waxbrashada. Canshuur la’aan ma socon karto,Soomaliyeey gacmaha aan is qabsano”,ayuu ku yiri Wasiir Beyle Qoraalka uu bartiisa Twitterka soo dhigay.

Dowladda uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa balan qaaday iney xoogga saareyso in sare loo qaado daqliga soo gala dalka iyo in shacabka la tuso kalsooni ay ku bixin karaan canshuurta looga baahan yahay.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa wada dadaalo ku aadan sidii lagu hormarin lahaa dhaqaalaha dalka,waxaana si loo hubiyo canshuuraha dalka soo galaya uu dhowr mar kormeeray Dekadda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...