R/wasaare khayre oo la kulmay Madaxweyne Ordugan

Date:

Muqdisho(SONNA):–Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa la kulmay madaxweynaha Dalkaasi Rajib  Dayid Ordugan.

Madaxweyne Ordugan iyo Raiisul Wasaare Khayre ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada Dalka iyo dowrka Dowladda Turkigu ay ka qaadanayso ladagaalanka argagixisada Shabaab.

“Safarkii aan ku tagay Turkey wuxuu astaan u yahay iskaashiga walaaltinimo ee labada dal, guul iyo is af-garad ayuuna ku soo dhamaaday” ayuu yiri R/wasaare Khayre oo Bartiisa twitterka soo dhigay qoraalkan

Dhanka kale waxaa uu booqday dhaawacyadii la geeyey isbitaalada Dalkaasi,raiisul wasaaraha ayaa u rajeeyey in eebe uu bogsiiyo dadkaasi.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa dhigiisa dalka Turki, kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta amaanka, la dagaalanka Argagixsada, iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta wada shaqaynta labada dawladood. Waxuuna tilmaamay in madaxda Turki, ay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen la dagaalanka iyo cirib-tirka Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....