Soomaaliya iyo Morocco oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA), October 25, 2017 – Wasiir kuxiggeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud oo howlo shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay wafdi ka socday Boqortooyada Morocco oo uu hoggaaminayay Agaasimaha guud ee Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi Ambassador Mohamed Methqal.

Dowladda Boqortooyada Morocco, ayaa Soomaaliya uga tacsiyeysay falkii argagaxisanimo ee dhiigga badan ku daatay ee October 14, 2017 ka dhacay Isgoyska 14 October โ€œZopeโ€ ee Muqdisho, kaasi oo gallaaftay nolosha 358 ruux iyo dhaawaca boqolaal rayid ah oo u badnaa xoogsato, dad socoto ah iyo arday.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Morocco u dhexeeya, istiraatiijiyad wax wadaagid dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ammaanka iyo bulshada, waxayna Soomaaliya iyo Morocco ay isla garteen in booqashooyin heerkoodu sarreeyo la is dhaafsado.

Kulankan oo jawi guul leh ku idlaaday ayaa waxaa goobjoog ka kala ahaa Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Mr. Ali Mohamed Sheikh iyo Safiirka Safaaradda Morocco ee Kenya Dr. Mokhtar Ghambou.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

Raโ€™iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo...