Dowladda Imaaraadka oo dhaawacyo u qaaday dalka Kenya “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka dibadiisa uqaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad toban ruux oo ay wehliyaan eheladooda ayaa loo qaaday dalka Kenya, halkaasi oo la geynayo isbitaallada ugu fiican ee wadanka Kenya, iyadoo lacagta iyo baxnaanintooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale dhaawacyada maanta loo qaaday dalka Kenya waxaa horey u sii raacay dhaqaatiir ka socday dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ka warqabi doono xaaladahooda caafimaad bukaanada la seexinayo isbitaalada dalka Kenya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horey u balan qaaday inay qaadayso boqol ruux oo ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho, iyadoo tani ay tahay wajiga koowaad ee dalka dibadiisa loo qaadayo dhaawacyada jiifa isbitaalka Sheekh Zaayid ee magaalada Muqdisho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...