Weerarkii Naasahablood2 oo la soo afjaray iyo mas’uuliyiin la soo badbaadiyay

Date:

Wararka aanu ka heleyno hotelka Nasahablood2 ayaa sheegay in Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ay soo badbaadiyeen dad badan oo ku go’doonsanaa hotelka la weeraray.

Mas’uuliyiinta amniga  ayaa sheegayaa in dadka la soo bad baadiyay ay kamid ahaayeen Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow iyo Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Guddiga Taakuleynta Ciidamada.

Ciidamada Ammaanka iyo dableyda hubeysan ee gudaha ugu jiray Hotelka ayaa halkaasi ku dagaalamayay iyadoo la maqlayaya qaraxyo iyo rasaas goos goos ah.

ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyootay weerarkaasi halka dhaawacyo uu soo gaaray dad intaasi ka badan waxaana dadka ku dhintay weerarkaas ka mid ah wasiirkii Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed Madoobe Nuunow, Xildhinaan Hore C/naasir Gaarane iyo Sarkaal boolis oo lagu magacaabo Fanax, dhaawacyada ayaa la dhigay isbitaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...