Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Khartuum ee Suudaan

Date:

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kasoo amababaxay Magaaladda Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan.

Wafdiga gudoomiyaha oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Khartuum kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Suudaan ,mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaiya ee Dalka Suudaan iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda tan Khartuum.

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo wafdigiisa ayaa mudada ay joogaan Dalkan Suudaan waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka Suudaan oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Baaarlamaanka ee Dalkan sida uu Warbaahinta uu u sheegay Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka.

Wafdiga uu gudoomiye Jawaari horkacayo ayaa lagu wadaa in suudaan ku qaataan booqasho seddax maalin ah isagoo soo booqan doono warshado waa weyn oo Khartuum ku yaala iyo Jaamacadaha Ardayda Suudaan waxka bartaan kuwooda ugu waa weyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...