Murataaniya(SONNA) Shirkan ย oo ay isugu yimaadaan Maxkamdaha Sare ee Wadamada ku jira ย jamacda carabta oo sanadkii mar laqabto ayaa waxaa sanadkaan lagu qabtay Dalka muritaaniya Caasimadiisa Nwaakshood.
Soomaaliya waxaaย uga qayb galay shirkaasi masโuuliyiin ka socotay hayโadaha Garsoorka Dalka waxaana kamid ahaa Garsoore Sheek Aabukar Cusmaan Daahir oo ah Garsoore Ka tirsan Makamadda Sare, Guddomiyaha Maxkamdda Racfaanka Gobalka Banaadir Ustaad Saalix Sheek Ibraahim Dhiblaawe.
Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi looga hadlayay ayaa waxaa kamid ahaa xoojinta wadashaqeynta Hayโadaha Garsoorka ee Dalalka Ku bohoobay Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ay kujirto.
Shirka waxaa uu socday muddo labo maalin ah 23-24/10/2017 kaasi oo laga soo saarey gebeba gebadiisa qodobo mihiim ah oo quseeeya xiriirka iskaashiga iyo wadshaqeynta hayโadahaasi Garsoorka.
Wefdigii Soomaaliya uga qeybgalay ayaa sheegay in waxyaabihii shirkaasi ka soo baxay ay ahmiyad weyn u leeyihiin Dalka Soomaaliya.









