R/Wasaaraha XFS oo ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Maxamed Jaamac oo ku geeriyooday Caabd-Waaq

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan, Xoogahayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Mudane Maxamed Keynaan iyo dhamaan Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxay tacsi u dirayaan Axmed nuur Maxamed Jaamac oo Aabihiis Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Jaamac ku geeriyootay degmada Caabudwaaq.

waxayna alle uga baryayaan in uu qabriga u waasiciyo una fududeeyo su’aasha maalinta qiyaame. “Geeridu waa xaq, qof kastana waa dhimanayaa, waxaan la qaybsanaynaa murugada qoyska reer Maxamed Jaamac, waxaana Eebe uga baryaynaa in Marxuumka uu jannaadiisa ka waraabiyo, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka geeriyootay uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Sidoo kale, waxaa tacsi taa lamid ah u diraya Ra’iisul Wasarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dhammantood marxuumka Allah uga baryay inuu jannadiisa fardowso ka waraabiyo ehelkiisa samir iyo iimaan ka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...