Madaxweyne Kenyatta Doorashada Khamiista ma dhaafayso”

Date:

Nairobi(SONNA)Iyadoo weli mucaaradka ay ka soo horjeedaan hanaanka doorashada ayaa Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu  sheegay in aysan baaqan doonin doorashada madaxtinimada ee lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo Khamiista soo socota.

Mr Kenyaata ayaa wuxuu xusay in hadii kooxaha mucaaradka ah ay diidan ama aqabalaanba ay dhacayso doorashada madaxtinimo ee dalka Kenya,taasi oo dhowr jeer u baaqatay sababo la xiriira dhanka siyaasadda oo la isku mari waayay.

Isaga oo magaalada Nairobi kula hadlayay qaar ka mid ah taageerayaashiisa, ayuu Uhuru sheegay in doorashadu u qabsoomi doonto sidi loogu tala galay, waxuu ka codsaday taageerayaashiisa in ay si xoog leh ugu codeeyaan.

Balse Hoggaamiyaha mucaaradka Dalkasi Kenya Mr Raila Odinga ayaa ka laabtay musharaxnimadiisa, kadib marki uu sheegay inuusan ku qanacsaneyn hannaanka doorashada,taasi oo dhalisay shaki iyo walwal ku aadan suuro galnimada in doorashadu ay u dhacdo hanaankii loogu talagalay iyo waqtigii loo qorsheeyey intuba.

Dadka odorosa arrimaha siyaasadda ee Dalkaasi Kenya ayaa ka digaya cawaaqib xumo ka dhalan karta doorashadani haddii aysan ka qeybgalin mucaaradka iyo haddii aysan u dhicin si xalaal ah intuba.

Maxakamadda sare ee dalkaasi Kenya ayaa horey u laashey guushii uu doorashada ka gaaray madaxweyne Uhuru Kenyatta,taasi oo keentay in markale dib loogu celiyo welina ma muuqdo xal siyaasadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....