Ruwanda oo Soomaaliya ugu deeqday daawo ku kacaysa 1 milyen oo Dollar.(SAWIRRO)

Date:

Ruwanda(SONNA) Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa Safar shaqo ku jooga magaalada Kigali ee Dalka Ruwanda halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan.

Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa la kulmey wasiirka arrimaha dibadda Ruwanda iyo Wasiirka Cafimadaka Dalkaasi Diane Gashumba,iyagoo ka wada hadlay sidii Dowladda Ruwanda ay kaalinteeda uga qaadan lahayad u gar gaaridda dadkii ku dhaawacmay qarixii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Ruwanda ayaa waxay ku deeqday dawo qimiheeda uu gaarayo 1 million oo dallor taasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka dhibanayaasha ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Wadanka Ruwanda Ms. Louise Mushikawebo iyo Wasiir ku xigeenka Arrimahada dibadda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Ruwanda.

Tan iyo markii uu dhacay qarixii bahalnimada ahaa oo boqolaal qof ay ku nafwaayeen ,islamarkaana kuwo kale ay ku dhaawacmeen waxaa sii kordhayay dowladaha u soo gurmanaya Soomaaliya,waxaana bar bar socda gurmad deg deg ah oo shacabka Soomaaliyeed ay dhexdooda isku fidinayaan.

Wadanka Ruwanda ayaa ah wadan taariikh ku leh Afrika marka loo fiiriyo dagaalada sokeye iyo burburkii dalkaasi uu soo marey iyo sida ay haatan shacabkiisa iyo Dowladduba ay gacmaha isku haystaan,taasi oo horseedey in ay horumar dhankasta leh ay ku talaabsadaan.

Soomaaliya oo kamid ah wadamad adagaalada sokeeye iyo burburka soo marey ee Afrika ka tirsan ayaa haatan u muuqataa in ay dhabihi horumarka ay hayso,inkastoo weli dagaal xoogan lagula jiro kooxaha argagixisada oo hortaagan horumarka umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...