Agaasimaha SONNA oo booqday xarunta Jeddah ee Wakaaladda Wararka Sacuudiga”Sawirro

Date:

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee  SONNA C/llaahi Sheekh C/raxmaan Haybe iyo  Ibraahim Maxamuud Axmed Azhari oo katirsan howlwadeenada Wakaaladda SONNA ayaa booqday faraca xarunta Wakaaladda Sacuudiga ay ku  leedahay Magaaladda Jeddah

Ujeedka booqashada ayaa ahayd sidii madaxda SONNA ay ugu kuur gali laheyd sida ay u shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Wakaaladda Sacuudiga faraceeda Jeddah

Agaasimaha SONNA C/llaahi Sheekh C/raxmaan Haybe iyo wefdiga la socday ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wakaaladda Sacuudiga faraceeda Jeddah, sida xafiiska wararka lagu tifaftiro iyo xafiisyada sawirrada iyo muuqaalada.

Wefdiga SONNA waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey agaasimaha Xafiiska Jeddah ee wakaaladda Wararka Sacuudiga mudane Suldhaan Cabdalla Alxaarithi iyo Maxamed Alawaji oo ah Madaxa tafaftirka xarunta Wakaaladda ee Jeddah.

Agaasimaha SONNA C/llaahi Sheekh C/raxmaan Haybe ayaa  kala hadlay madaxda uu la kulmay sidii labada wakaaladood ay u sameyn lahaayeen iskaashi dhanka Wararka , sawirada iyo muuqaalada iyo inay kala helaan labada wakaaladood tababaro kala duwan.

Agaasimaha xarunta Wakaaladda Sacuudiga ay ku leedahay Magaalada Jeddah ayaa dhankiisa aad usoo dhaweeyay inay labada wakaaladood ay iska kaashadaan dhanka Wararka,  sawirada, filimada, iyo tababarada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Xarummo muhiim u ah Galmudug 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo...

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji...

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku...