Wasiir Isloow oo Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga

Date:

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha gudaha Dowladda Turkiga Suleyman Soylu.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha Turkiga oo ku taalo magaalada Ankara ayaa Labada Wasiir waxay kaga wada hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya iyo sidii loo ciribtiri lahaa Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Ilo amaan oo soo xiganeysa Wakaalada wararka Turkiga Anadolu ayaa sheegaya in sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga ay kulankooda diirada ku saareen iskaashi laga sameeyo amaanka iyo Heshiis laga gaaray in lagu dhaqaaqo dagaal ka dhan ah Argagixisada Al-Shabaab oo mar waliba caadeystay iney daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale,Labada Wasiir ayaa kulankooda ku soo hadal qaaday sidii tababar loo siin lahaa Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo in meel looga soo wada jeesto Ururka Fathula Gulan oo lagu eedeeyay iney ka danbeeyeen Afganibii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan dalka Turkiga halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay kala hadlayaan sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Casuumaad u dirtay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi ka socdo dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta gaaray...

Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Dafle oo ku Geeriyooday Belgium-ka

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN Allaha u naxariistee Sareeye...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Turkiga

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...